Thursday, September 24, 2009

Labada Xisbi Mucaarid Ayaa Caawa Ku Dhawaaqay Inay Aroorta Dhisayaan Dawladd Ay Leeyihiin

(Waridaad)-Labada Guddoomiye Xisbi Axmed Siilaanyo iyo Feysal Cali Waraabe oo shir jaraa’id caawa ku qabtay Hargeysa ayaa ku hanjabay Golaha Guurtidu haddii ay joojin waayaan aroorta codka ay u qaadayaan inay sanad ugu kordhiyaan Madaxweyne Rayaale inay dhisanayaan Dawladd labada ka kooban.
Sidoo kale waxa ay dadweynaha iyo taageerayaashooda ugu baaqeen aroorta salaada subax inay isugu soo baxaan mudaharaad ay ku xidhayaan jidadka soo gala Golaha Guurtida iyo Madaxtooyada iyo Gobolada oo dhan si ay uga hor istaagaan xildhibaanadu inay fursad ugu helaan inay sameeyaan muddo kordhin.

Qoraal wada jir ah oo ay arrimahaasi kaga hadlayeen oo ay akhriyeen hogaanka labada xisbi ayaa waxay ku sheegeen talaabooyinkaasi inay u qaadayaan Madaxweyne Rayaale oo diiday heshiiskii saddexda Xisbi shalay wada aqbaleen ee ay beesha Caalamku u soo jeediyaan si ay Doorashadu ugu dhacdo wax heshiis lagu yahay.

Waxaanay labada Xisbi dusha ka saareen wixii dhib ah ee ay arrintaasi keensato inuu Madaxweynuhu Masuul ka yahay.

Waridaad media centre

No comments: