Tuesday, September 15, 2009

G/Wakiilada Somaliland Oo Ansixiyay Inay Ku Sii Shaqeeyaan Kal-fadhi Aan Caadi Ahayn Iyo Xildhibaanada Muxaafidka Ah Oo Mar Kale Cod Lagu Muquuniyay.

(Waridaad)-Golaha Wakiilada Somaliland ayaa maanta ansixiyay inay muddo bil ah oo kale ku sii shaqeeyaan kalfadhi aan caadi ahayn,ka dib markii ay dhammaaday kalfadhigii aan caadiga ahayn ee aydhawaan galeen. Markii uu dhamaaday kalfadhigoodii 9-aad.

Fadhigan maanta oo uu Guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Md. C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi (C/Raxmaan Cirro) waxa madasha ku sugnaa 70 Mudane, waxaana goob joog ka ahaa fadhigaas Salaadiintii ku hawlanaa xal u helida khilaafaadka Golaha.

Fadhigan oo ku qabsoomay jawi degan hadal uu Guddoomiyuhu u jeediyay Mudaneyaasha Golaha Wakiilada ayuu Dhambaalo tacsi ah u diray eheladii qoysaskii dadkii ku dhintay mudaharaadkii lagu taageerayay Baarlamaanka ee ka dhacay magaalada Hargeysa Sabtidii todobaadkan, waxaanu dadkii ku dhintay eebe uga baryay inuu samir iyo iimaan ka siiyo, qoysaskoodii iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxeena uu samir iyo iimaan ka siiyo.
Sidoo kale wuxuu ilaahay uga baryay inuu caafiyo dadkii iyo askartii ku dhaawacantay mudaharaadkaas.

Md. C/Raxmaan Cirro, wuxuu u mahad celiyay salaadiinta Somaliland ee ka hawl galay wax uu ku tilmaamay dib u furista Golihii Wakiilada ee sifaha sharci darrada ah lagu xidhay, waxaanu tilmaamay in kulamo is daba joog ah oo ay yeesheen Golaha iyo Salaadiintu ay isku raaceen qodobo dhawr ah waxaanu yidhi “In la isa saamaxo, in Goluhu si caadi ah u furmo oo uu hawlihiisa u guto, In Shir-gudoonku aqbalo cabashooyinka Mudaneyaasha muxaafidka ah, taasi oo uu shirgudoonkuna aqbalay.”

Guddoomiyaha Wakiiladu wuxuu cambaareeyay talaabo saaka saacadihii u hore ciidanka Boolisku Saxaafada ugu diiday inay galaan golaha.

Intaasi ka dib waxa Goluhu dhegaystay laba Xildhibaan oo ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland oo kala ah Mudane Cali Maxamed Aadan (Cali Barre) iyo Mudane Maxamed Jaamac, kuwaasi oo soo kala jeediyay laba fikradood oo kala ah in Goluhu fasax galo oo aanu qaadan mar kale kal fadhi aan caadi ahayn iyo in Goluhu uu galo kalfadhi aan caadi ahayn si uu u gudo galo arrimo badan oo muhiim ah.

Guddoomiyuhu wuxuu ku dhawaaqay in cod loo labadaasi fikradood, oo ay kala wateen mudaneyaasha mucaaridka ah iyo kuwa muxaafidka ahi.

36 Mudane ayaa ogolaaday in Goluhu galo kalfadhi aan caadi ahayn, kuwaasi oo ahaa Mudaneyaasha Mucaaridka ah, halka 32 Mudane oo muxaafid ahina ay soo u coddeeyeen in Goluhu galo fasax bil ah. Hase ahaatee waxa meel maray hindisihii mucaaridku soo dhigeen ee ahaa in Goluhu galo kalfadhi aan caadi ahayn.

“Codayntani waa dhoola tuska mooshinka maamuus ka xuyuubinta Madaxweynaha ee golaha Horyaala, waxaana cad in Mudaneyaasha mucaaridka ahi ay raaci doonto gacanta sare,”sidaasi waxa yidhi Mudane Siciid Cilmi Rooble.
Waridaad media centre

No comments: