Wednesday, September 16, 2009

Madaxdhaqameed, odayaal iyo Ganacsato ka Tirsan 18-ka Ardaa Beesha Habaryoonis oo ku Dhawaaqay in ay ka soo horjeedaan Siyaasadda Rayaale

(Waridaad)-Maxay ka yidhaahdeen tuhunka taageerada beesha ee Xukuumadda Rayaale iyo Aragtidooda Xil-ka-qaadista Guddoomiyaha Wakiillada?

“Haddii aannu nin Habaryoonis ah oo dawladda ku jiraa dhibaato wadin, meel Habaryoonis ay isugu timi oo tidhi dadka aynu ka gaar noqono, markii la isweydiiyey waa la waayey”
Suldaan Maxamed Sul. Xasan Bulbul

43 xubnood oo isugu jira madaxdhaqameed (salaadiin iyo cuqaal), ganacsato, aqoonyahan iyo odayaal ka kooban 18-ka ardaa ee beesha Habaryoonis, ayaa ku dhawaaqay inay si buuxda ugasoo horjeedaan siyaasadda ay ku socoto xukuumadda Madaxweyne Rayaale, isla markaana ka digay weerarka xukuumadda ee Golaha Wakiillada.
Kulan ballaadhan oo xubnahaasi ku yeesheen huteelka Xamdi ee magaalada Hargeysa, waxay shaaca kaga qaadeen in aanay beesha Habaryoonis xukuumadda talada haysa ku taageerayn siyaasadda khaldan ee ay ku socoto, isla markaana uu jiro tuhun khaldan ay ka qabaan beelaha kale ee reer Somaliland oo ah in beeshu gar iyo gardaraba xukuumadda talada haysa ku garabtaagan tahay oo ay dhabteeda ku fadhido. Waxa kale oo ay ka digeen cawaaqib-xumo ka dhalan karta gulufka xukuumaddu ku hayso Golaha Wakiillada ee shacabka matalaya, gaar ahaan Guddoomiyaha golaha oo hayb ahaan ka soo jeeda beelahaas.

Shirkaas oo ay ka hadleen salaadiin, ganacsato, aqoonyahan iyo odayaal ka tirsanaa kuwii ka qaybgalay, waxay isku arti ka noqdeen in beesha Habaryoonis ula siman tahay xukuumadda beelaha kale ee Somaliland oo aanu jirin wax dheef ah oo ay ku qabaan, dhib mooyaane.
Suldaan Maxamed Suldaan Xasan Bulbul, ayaa sheegay in shirkaasi laba qodob oo muhiim ah lagu lafo-guray, kuwaas oo ay si buuxda isula qaateen dadka ka qaybgalay oo uu ku sifeeyey muraayadda beelaha Habaryoonis.

Suldaan Maxamed Suldaan Xasan Bulbul waxa uu sheegay in aanay habayaraatee jirin dhibaato beelaha Habaryoonis wado iyo meel ay isula qaadatay inay dadka kale ee Somaliland ay gaar ka noqoto midna.

“Shirkan laba qodob ayuun baa lagaga hadlay, ka kowaad waxa weeye dadku waxa uu inoo haystaa Habaryoonis inay dhibaato ummadda ka gaar ah iyadu wado. Qodobka kale waa ninka Guddoomiyaha Baarlamanka ah ee Habaryoonis oo isna hadalkiisa lagu soo qaaday. Labadaa xaalaba meel baa la dhigay,” ayuu yidhi Suldaan Maxamed Sul. Xasan, waxaannu intaa ku daray, “Waxaan horreysiinayaa dhibaato ayey Habaryoonis wadaa dadka ka dheeraad ah, taa waa la isweydiiyey, haddii nin Habaryoonis ah oo dawladda ku jiraa aannu dhibaato wadin, wax Habaryoonis ah oo meel isugu yimi oo yidhi dadka aynu ka gaar noqono oo aynu dhibaato samayno, markii la isweydiiyey waa la waayey taas, wax ummadda ka mid ah oo nabadgelyo doonaya oo aan ku tashanin xumaan bay noqotay Habaryoonis, taa waa la waayey.”

Suldaan Maxamed waxa uu si kulul u cambaareeyey tallaabadii xukuumaddu ku xidhay Golaha Wakiillada iyo tacadi uu sheegay in loo geystay Guddoomiyaha Wakiillada, kaas oo uu tilmaamay in aanay ka raali ahayn, una dulqaadan doonin.
“Madaxdu waxay ka doodaa oo ay wax iska tidhaa warbaahinta, laakiin nin masuul ah oo gacanta loola tagay isaga ayuun baa jira. Haddaba haddii isagu gardaran yahayna inaga ayaa qabanayna, haddii lagu gefayna in aan dib loogu gefin ayaa la isku raacay,” ayuu yidhi Suldaan Maxamed Sul. Xasan Bulbul.

Suldaanku waxa kale oo uu ka hadlay dadkii dhibaatadu ka soo gaadhay mudaharaadkii Sabtidii Hargeysa ka dhacay oo uu sheegay in cidii geysatay aan la cafiyi doonin. Isagoo arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “Dadkii maalintii dhaweyd waxyeeladu gaadhay wixii dhintay iyo wixii dhaawacmay labadaba tacsi ayaanu u diraynaa ee Ilaahay ha ka cafiyo, wixii ku gardaroodayna aakhiro iyo ifkaba waa laga jasaa’i siin doonaa.”

Oday Cabdi Yuusuf Jaamac oo kulankaas ka hadlay, ayaa isaguna meesha ka saaray inuu jiro qorshe beesha Habaryoonis isu ogtahay oo ah inay taageero buuxda siiso xukuumadda talada haysa.

“Tuhun laga inaga qabo ee ah in beeshani duulaan ku tahay beelaha kale ee Somaliland degan, xukuumadda maanta jirtana xoog ku difaacaysa. Taa waxaannu leenahay beelaha Somaliland-now idinka oo dhan arrinkaasi waa tuhun ee midh aannu qabno maaha, meel beeshu ku go’aansanay in lagu difaaco dawladda ma jiro, wax dhacaya oo aanu diyaar u nahayna maaha, haddii cid laga maqlay iyo haddii ay xamxam ahaydba, waxaannu halkan ka caddaynaynaa in aannu arrinkaas waxba ka jirin,” ayuu yidhi Cabdi Yuusuf Jaamac, waxaannu intaa raaciyey isagoo ka hadlayey aragtidooda ku wajahan Golaha Wakiillada iyo qorshayaasha xukuumaddu ku burburinayso, “Ta labaad ninka Shirguddoonka ah ee Cabdiraxmaan Cirro waxa dhacday in lagu soo xadgudbay, waxa dhacday in Golihii Wakiillada ee shacabku doorteen oo haddii qiyaas la qaado ka taageero badan xukuumadda inay rag u adeegsatay oo daaqadaha uga dhacay oo Baarlamankii xidhay. Cabdiraxmaan Cirro, Shirguddoonka iyo Golaha Wakiilladaba caawa [xalay) taageero buuxda ayaanu siinaynaa, sababta oo ah sharcigii loo doortay ayey wadadiisii mareen.”

Ganacsade Cali Ducaale Faarax oo kulankaas ka hadlay, ayaa isaguna ku raacay odayaashaas hore in tuhun khalad ah laga aaminsan yahay beelaha Habaryoonis iyo taageerada ay u fidiyeen Guddoomiyaha Wakiillada oo uu sheegay in la dulmiyey, waxaannu yidhi; “Hadalka badan ee soo baxay ee leh nidaamka jiraa dhabta Habaryoonis ayuu ku fadhiyaa, waxaannu caddaynaynaa in aannu annaga dhabtayada nidaamkaasi ku fadhiyin, wax gooni ah oo aannu ku qabno oo aannu dhabtayada ugu fadhiisinaana ma jiro, waxaaba laga yaabaa in nidaamkani dhibaatada ugu badan inagu hayo. Ta kale in Guddoomiyaha Golaha Wakiillada la dulmiyey shaki kuma jiro oo daaqada looga soo dhacay, waxaan leeyahay walaalayaal aynu manaasibta ixtiraamno.”
Sidoo kale, waxa shirkaas ka hadlay Oday Xaaji Maxamed Ducaale (Golos), Guddoomiyaha beesha Muuse Cabdalle Xariir Jaamac Yasir, Caaqil Farxaan Xasan Cabdi iyo Oday Aadan Cumar Dayuur, kuwaas oo dhammaantood la fikrad ahaa odayaasha hore.

No comments: