Saturday, September 12, 2009

Madaxii Taliyaha Ciidanka Mr Nuux Taani oo diiday in Ciidamadiisu Soo Galaan Caasimada

(Waridaad)-Taliyaha Ciimada Qaranka Nuux Taani ayaa Diiday inuu Ciidamadu Milateriga u Adeegsado shacabka Kacdoonka samaynaya.

Waxaase la sheegayaa in Riyaale ku bedeshay Ciidamo Gaar u ah oo qoyskiisa iyo kuwa uu keenay Mr Xaabsade dhawaan. Ciidamadaas ayaa loo adeegsaday si Rasaasta hoos ugu dhigaan dadweynaha.

Arintani waxa ay keentay in dhimasho keento, ilaa iminkana waxaa tirada dhimashadu gaadhaysaa 6 qof, inkasta oo tirada marba is bad badelayso, oo ilaa iminka tiro sugan aan lahayn. Tirada dadka dhaawacmay ayaa aad u faro badan, waxaana la sheegayaa in dadka dhaawacmay ay ku jiraan qaar ka mid ah xildhibaanadii Baarlamaanka Somaliland.

Taliyaha ciidanka ayaa ku sababeeyey inaan Ciidamada qaranku Aanay nin difaacin ee loo sameeyey inay cadwoga iyo xuduudaha Somaliland Difaacaan.

No comments: