Monday, June 29, 2009

Warbixin: Ergo Ka Socotay Urur Siyaasadeedka ARDAA oo Waji Gabax Kala Kulantay Ottawa iyo Kooxdii “Dabaqa Carta”, oo Hawlihii Lagu Yaqaanay Bilowday.

(Waridaad)-Ninkii Shaki kaga jiroow siyaasadaha ka hoos shanqadhaya ARDAA, bal u fiirso astaanta ururka oo taaj looga dhigay xidigtii cadayd ee shanta Soomaaliyeed iyo Bandiiraddii Buluuglay.

Ergo ka socota Urur Siyaasadeedka ARDAA, kana soo kacantintay magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota, USA, isla markaana uu hor kacayey gudoomiyihii hore ee urur siyaasadeedkii fashilmay ee ACNA, Maxamed Alla-Bari oo Shirka ka dhacaya Ottawa hortii turxaan bixin u timiday magaalada Ottawa, ayaa sida ay noo xigiijiyeen ilo ku dhaw dhaw dadkii shirka turxaan bixinta ka qayb galay kala kulmay waji gabax iyo guul daro hawlihii ay u socdeen.

Shirkan turxaan bixinta oo xalay ka dhacay magaalada Ottawa ee dalka Kanada, ayaa si folka foola ah iskugu hirdiyeen ergada ARDAA ka socotay iyo qaybo muhiim ah oo ka tirsan Jaaliyadda Reer Awdal ee Magaalada Ottawa, kuwaas oo sida la sheegay iyagu diiday inay ka qayb galaan shirka isbaahaysiga mucaaraddka Awdal ee ay hormoodka ka tahay ARDAA.

Ergada ka socotay ARDAA, ayaa sida wararku sheegayaan aad iskugu taxalujisay sidii ay u qancin lahaayeen kooxaha ka soo horjeeda urur siyaadeedka ARDAA, iyaga oo adeegsanaya hadalo macaan oo shucuur tolnimo ku dheehan tahay, balse aan ku salaysnayn xiqiiqada dhabta ah ee urur siyaasadeedka ARDAA iyo ujeedadada ka dembaysa. Wararkan ayaa waxa kale oo ay intaa ku dareen inay ergadii ARDAA ka socotay dib ula noqdeen dhex dhexaadintoodii ka dib markii la tusay waxyaabo cadayna siyaasadaha ka denbeeya ARDAA.

Dhinaca Kale Kooxda loo yaqaan “Dabaqa Carta”, oo u ololaysa Somali Weyn, lana sameeyey wakhitadii uu socday shirweynihii Carta (Jabuuti) ee lagu dhisayey dawlad Somalia ka talisa si loogu ururiyo dhaqaale lagu taageero dadkii ka qayb qaataay shirkaasi, ayaa waxay ARDAA u igmatay inay ka caawiyaan kharashka ku baxaya shirka ay ARDAA ku qabanayso magaalada Ottawa wiiga soo socda. Kooxda “Dabaqa Carta” ayaa sidii caadada u ahayd dabaqii ay ku caam baxeen kula dhex wareegaya xaafadaha magaalada Ottawa, iyaga oo inta badan beegsanaya dumarka iyo waayeelka Reer Awdal.

Xigasho: http://harowo.com

Wasiirka Arrimaha dibadda Somalia oo sheegay in UNDP joojisay kaalmadii Somaliland.

(Waridaad)-Wasiirka Arrimaha dibadda ee Xukumadda Somalia Mohamed Abdullahi Oomaar ayaa sheegay inay Qaramadda Midoobay aqbashay dalab ay Wasaaradiisa u qortay Xafiiska UN-ka ee Magaaladda Nairobi ,kaas nuxurkiisa ahaa inay joojiyaan tababaradda boliiska iyo shaqaalaha dowladda Somaliland ee UNDP bixiso.

Wasiir Mohamed Abdullahi Oomaar oo xogta siinayay Wasiiradda iyo Xildhibaanadda u dhashay Somaliland ee dowladda ku wada jiraan ayaa wuxuu tilmaamay in dagaalkiisa uu yahay mid uu ku fashilinaya Xukumadda Dahir Reyaale Kaahin.

"Xafiiska UN-ka ee Nairobi waxay ii sheegeen inay joojiyeen tababaradii UNDP siin jirtay Ciidanka boliiska,ayna u sheegeen inaan anaga amarkaas bixinay,taasina waxay meesha ka saaree isla weyninkooda ay ku sheeganayaan inay yihiin dowlad ka madaxbanaan Somalia iyo tan Federalka"ayuu hadalkiisa ku koobay Wasiir Oomaar.

Inkastoo la xaqiijiyay sheegashada Oomaar ee la xiriirta hoowl joojinta UNDP hadana tilaabadaas waxaa ka biyo diiday Ra'isulwasaarre Omar Abdi rashiid Sharmaarke oo gef ku macneeyay in xukumadiisa Wasiir ka mida colaadin ku sameeyo shacabka iyo maamulka Somaliland.

Ra'isulwasaarre Sharmaarke ayaan la ogeyn tilaabada uu qaadi doono hasse yeeshee taariikh ahaan mar uu booqday Hargeysa waxaa qaabilay Madaxweynahii geeriyooday,allaha u naxariistee Mohamed Hajji Ibrahim Cigaal oo lacag badan siiyay maadama ay saaxiibo ahaayeen Aabahiis,Abdi Rashiid Ali Sharmaarke.

Siyaasiyiin u dhashay Somaliland ayaa hore u sheegay in Wasiirka Arrimaha dibadda ee Somalia Mr Mohamed Abdullahi Oomaar yahay nin dhaqaale raadis u galay dowladda Shariifka,uuna yoolkiisa ugu weyn yahay sidii uu shilimaad ugu aruursan lahaa magaca dowladda cusub ee Somalia.Mohamed Abdullahi Oomaar oo u dhashay beesha Hargeysa,kana soo jeeda qoys magacweyn ku leh,bulshada ku hadasha afka Somaliga wuxuu noqonayaa masuulkii ugu horeeyay ee ku dhiiraday tilaabo lagu waxyeeleeynaa horumarka shacabka iyo dowladda Jamhuuriyadda Somaliland.

Xigasho: www.waagacusub.com

Saturday, June 20, 2009

Qaramada Midoobay Oo Warbixin Ka Soo Saartay Xaaladda Somaliland Ee Wakhtigan.

(Waridaad)-Qaramada Midoobay ayaa Warbixin ay soo saartay ku sheegtay in Xukuumadda Somaliland ay qaaddo tallaabooyin ka dhan ah arrimaha Xuquuqal-Insaanka iyo dib-u-dhaca Doorashada Madaxtooyada, isla markaana waxay ugu baaqday in ay joojiso cago-juglayn iyo cadaadis ay sheegtay inay ku hayso dadka u dooda Xuquuqda Aadamaha, Saxaafadda,Wakiilada Xisbiyada Siyaasadda,xadhigga sharci-darrada ah ee Suxufiyiinta iyo sidoo kale inay fasaxdo Mudaharaadyada salmiga ah.

Mr. Shamsul Bari oo ah Khabiir Madax-bannaan oo arrimaha xuquuqal-Insaanka u qaabilsan Qaramada Midoobay,isla markaana uu si toos ah u magacaabo Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, kaas oo isaga iyo Wefti uu hoggaaminayaa ay bishan bilowgeedii socdaal ku yimaadeen Somaliland iyo Puntland, ayaa Warsaxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in ay walaac ka qabaan Qaramada Midoobay ahaan tacaddiyo ay Xukuumadda Somaliland kula kacdo dadka daneeya ama u dooda Xuquuqda Aadamaha, Saxaafadda, taageerayaasha iyo xubnaha Xisbiyada iyo inay xannibtay Mudaharaadyada salmiga ah.

Khabiirkan oo Somaliland ku yimi booqasho maalin qaadatay, ka hor intii aanu uga gudbin Maamul-gobolleedka Puntland, ayaa kulamo la qaatay xubno ka socday Dawladda,Xisbiyada Mucaaradka ah, Guddoomiyayaasha Golayaasha Guurtida iyo Wakiilada, Ururada Bulshada, Warbaahinta iyo ururada Xuquuqal-Insaanka. Sidoo kale wuxuu la kulmay Kuuliyadda Sharciga ee Jaamacadda Hargeysa.

“Waxaanu ka welwel qabnaa xogaha ku saabsan tacaddiga, cadaadiska, xadhiga sharci-darrada ah ee Suxufiyiinta iyo xubnaha Xisbiyada Siyaasadda iyo sidoo kale dadka u dooda Xuquuqda Aadamaha, taas oo ay daba socoto dib-u-dhaca Doorashada Madaxtooyada Somaliland. Caqabadahan xorriyatul-qawlka, Mudahaaraadyada salmiga ah iyo kulamadu, waa in la soo gebo-gebeeyaa oo la joojiyaa.” Ayuu Warsaxaafadeedkan ku yidhi Mr. Shamsul Bari.

Khabiirkan dhinaca Xuquuqal-Insaanka ee Qaramada Midoobay oo ka dib markii uu Somaliland socdaalka ku yimi, u dhaafay dhinaca Magaalooyinka Garowe iyo Boosaaso ee Maamul-gobolleedka Puntland, halkaas oo uu kula kulmay Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole, Wasiiro iyo Masuuliyiin kale oo Maamulkaa ka tirsan.Waxaanu Xukuumadda Puntland ku ammaanay tallaabooyinka ay ka qaadaan dhinaca Xuquuqal-Insaanka oo ay ku tilmaameen kuwo wax ka taraya dhibaatooyinka Xuquuqda Aadamaha.

Hase ahaatee, wuxuu sheegay in Xabsiga Garowe aanu ahayn mid xaaladdiisa Caafimaad la mid tahay heerarka Caalamiga ah ee Xabsiyada.

Shamsul Bari ayaa mar uu Hargeysa socdaal ku yimi ka hor intii aanu u dhaafin Puntland mar uu Wargeyska Ogaal ugu waramayay Hutel Ambassador ee Magaalada Hargeysa, wuxuu sheegay in Somaliland ay qabsatay waxyaabo badan oo aan dalalka kale ee Afrika qaarkood ka jirin, balse ay jiraan khilaafyo sharci iyo ku-tagri-fal dhinaca Shuruucda ah oo ay Xukuumaddu ku kacdo.

Wargeyska Ogaal

Tuesday, June 09, 2009

OGEYSIIS DEGDEG AH:WAA OLOLE ICTIRAAF-DOON

(Waridaad)-OGEYSIIS DEGDEG AHCASUUMAD FURAN OOD BARLAMANKA SWEDEN AH. WAA OLOLE ICTIRAAF-DOON AH OO UU WADO XISBIGA KULMIYE.

Guddoomiye Muj. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, isagoo qadyadda qaranimada Soomaliland daafaciida, ictiraaf doonka iyo iibinta taariikheena iyo geedi-socodka dimuquraadiyadda, darban ayuu caasuumad rasmi ah ka helay barlamaanka Sweden. Haddaba casuumadda oo uu rabo inuu sida ugu habboon ee danta guud ee qaranka uga midho-dhalinaayo, ayuu u rogay seminar xogwaran ah oo uu siiyo xubnaha barlamaanka Sweden, isagoo si mug weyn uga warami doona xaqqa aynu u leenahay gooni-isu-taaga iyo ictiraafka aynu mutaysanay. Waxuu ka hadli doonaa taariikhdeena mid halgan iyo mid dhaqanba, si gaar ah waxuu u ku taagsan doona geedi-socodka dimuquraadiyadda iyo nabadda Soomaliland, isagoo taas ag dhigi doona halaaga iyo holaca agteena ka socda.

Fadlan si aad kulankan taariikhiga ah uga qayb qaadatid u soo dir email si dhakhso ah martigeliyaasha, iyadoo aanu gelayn qof aaan haysan oggolaansho emailka loogu soo diray. Si loo diiwaangeliyo magacaaga waxaa looga baahan yahay inaad si dhekhso ah emailka u dirto. Yaanu kaa buuxsamin ee degdeg u jawaab, iyadoo diiwaangelintu bilaabantay.

Seminaarku waxuu dhacayaa Khamiista 11 jun saacada 12.00 duhurnimo.

U dir email: amanda.lovkvist@liberal.se

AN OPEN INVITATION TO SWEDISH PARLAMENT: A CAMPAIGN FOR THE RECOGNITION OF SOMALILAND INDEPENDENCE BY KULMIYE PARTY

Mr.Ahmed Mohamed Silanyo, the Chairman of KULMIYE Party and candidate of Presidential election due 29 September 2009 in Somalilnad , will undertake a seminar on Somaliland to honourable members of Swedish Parliament. In this event the seminar will cover the land, the people, history, culture, social, economy and politics of the most peaceful state in the Horn of Africa. MR. Ahmed will enlighten the deserved right of recognition of the Independent state of Somaliland. It is an international event with special and increasingly crucial interest, because of current piracy and increased tensions in the region.

All are welcome through open Invitation. However, to a void overcrowding , invitations are by appointment through direct registration. Simply email to be registered.

Please do send an email to: amanda.lovkvist@liberal.se

The seminar will be held on Thursday 11 June at 12.00 pm Sweden Time.

No one will be allowed without prior registration.

Monday, June 08, 2009

Buubaa oo Soomaaliland u soo jeeda

(Waridaad)-Ismaaciil Buubaa oo ka mid ahaa siyaasiyiinta waaweyn ee ka soo jeeda Somaliland, kana mid ahaa xukuumadii ugu horraysay ee ay yeelato dawlada Somaliland oo muddooyinkan dambe oo dhan u ololaynayay aragtida ah inay Somaliya iyo Somaliland noqdaan dawlad federaal ah, markii ugu dambaysayna ahaa wasiir ka tirsan dawlada Somaliyana noqday, oo wargeyska Saxansaxo khadka telefoonka kula yeeshay waraysi waxa uu jawaabo iyo faahfaahin ka bixiyay socdaal la sheegay inuu Somaliland ku imanayo, sababta uu u imanayo ee ku dhalisay, inuu ku biiri doono xisbiga UCID iyo in kale, sababta saldhiga u ah caqabada ilaa imika hortaagan aqoonsiga Somaliland iyo inuu xidhiidh la soo sameeyey xukuumada iyo in kale. Waraysigiina waxa uu u dhacay sidan:.......................Riix halkan

Friday, May 29, 2009

(Waridaad)- Reer Jibuuti ma necba Reer Somaliland. Ismaaciil Cumar Geelle ma necba Reer Somaliland. Laakiin Ismaaciil Cumar Geelle waxa uu jecelyahey Somaliya (Somaliya + Somaliland). Waxa uu u arkaa in ay dani ugu jirto isaga iyo dawladda Jibuuti (Ciise).

Waxa uu u arkaa, in ay tahey dariiqqa kaliya ee uu ku badbaadinkarayo beeshiisa iyo kursiga uu ku fadhiyo. Waxa uu arkaa, in ay tahey xoogga uu kaga nabadgalinkarayo dhaqdhaqaaq siyaasadeed ama colaadeed oo kaga yimaadda dhinaca beesha Cafareed.


Ciisuhu waxa uu daggaa Jibuuti, Etiobiya iyo Somaliland. Cafartu waxa ay daggtaa Jibuuti, Etiobiya iyo Ereteriya. Ciisaha ayaa Cafarta kaga badan Jibuuti. Isticmaarkii Faransisku oo ujeeeddo gaar ah ka lahaa ayaa Jibuuti u bixiyey dalkii Ciisaha iyo Cafarta.

Markaa Cafartu meel kasta oo ay dagganeyd - Jibuuti, Etiobiya iyo Ereteriya - waxa ay u aragtey in ay iyaga iyo Ciisuhu u simanyihiin Jibuuti. Arintani waxa ay sii xoogeysatey dhicitaankii dawladdii hantiwadaagga aheyd ee Itiobiya. Markaas oo ay Cafartu isku deydey in ay dawlad hoosaad sameystaan. Waxa bilaambey dhaqdhaqaaqyo Cafareed oo ku baahey Etiobiya, Ereteriya iyo Jibuuti.

Dhaqdhaqaa waxa ka dhashey jabhaddii la odhanjirey FRUD (Front for the Restoration of Unity and Democracy) oo la kawsatey shaqaaqadii Desember 1991kii ka dhacdey xaafadda ay Cafartu dagto ee magalaada Jibuuti. Jabhadani waxa ay gacan buuxda ka helijirtey beesha Cafareed ee Jibuuti, Etiobiya iyo Ereteriya.

Dagaaladii ay jabhaddii FRUD kula jirtey dawladda Jibuuti (Ciise), waxa ay waxyeello u geysatey dhaqaalihii Jibuuti oo aan markii horaba iskii u taagneyn, ee uu Fransiisku naas-nuujinjirey. Jabhadani waxa ay khalkhal galisey nabadgalyadii, siyaasaddii iyo dhaqaalihii dawladda Jibuuti (Ciise).

FRUD waxa ay taageero iyo gacan buuxda ka helijirtey Cafar (Jibuuti), Cafar (Etiobiya) iyo Cafar (Ereteriya). Cabsi xoog leh ayaa dawladdii Jibuuti (Ciise) la soo daristey.

Waxa horey loo yidhi, “Ama buur ahaw ama buur ku tiirsanow..” Ismaaciil Cumar Geelle waxa
uu arkey khatarta kaga imankarta Cafar. Waxa uu u baahdey quwad iyo diffaac. Waxa uu magaalada Carta ku casuumey dhinacyadii siyaasadda isku hayey ee Somaliya.

Carta ayaa la iskugu yimid. Ilyarta ayaa isqabatey. Shirkii Carta loogu magac darey ayaa halkaa ka furmey. Carta ilaa Jibuuti ayaa la waayey meel lakala maro iyo meel la kala seexdo.

Qoladii meesha ku shireysey, waxa ay u arkayeen shir Somali lagu heshiisiinayo. Waxa ay u arkayeen, walaalkood Ismaaciil Cumar Geelle oo dhibaatadooda ka damqadey oo gogol u fidiyey.

Ismaaciil Cumar Geelle waxa ay u aheyd dhoolla tus. Dantii uu ka lahaa waxa ay aheyd in uu Cafarta tuso xoogga uu helikarayo. In aaney beesha Ciise ama dawladda Ciise cidlo taagneyn. In ay leedahey garab iyo gaashaan la yidhaahdo Somaliya.

Cafar (FRUD) maalintaa ayaa hadal ugu danbeysey, oo waxa ay noqdeen "CAFAREY FIGIX!" Somaliya waxba uma ahane, beeshiisa ayuu awrka ugu kicinayaa.

Faadumo Cabdilahi

Wednesday, May 27, 2009

Askar Loo Xidhxidhay idaacad Ay Dhegeysteen Darteed

(Waridaad)-Ciidamo ka tirsan Somaliland ayaa loo xidhxidhay dhageysiga Idaacad madax bannaan oo aan hoos tegin maamulka Somaliland.

Idaacaddaas ayaa sida warka aan ku heleyno maamulka Somaliland raali ka ahayn dhageysigeeda, waxaana sababtaas darteed loo xidhay Lix askari oo ka mid ah ciidamadda Milateriga ee maamulka Somaliland, kuwaasoo lagu xidhay xabsi ku yaala degaanka la yidhaahdo Oog, ee gobolka Sool.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Maamulka Somaliland oo saxaafadda u xaqiijiyey arrinkan ayaa xadhigga askartani waxay ka dambeysay markii ay ka dhago adeygeen amar uu taliska guud ee ciidanka Somaliland ku siiyay ciidamadu in aanay dhageysan Idaacadda Codka Shacabka Somaliland ee la yidhaahdo Radio Horyaal, taasoo talisku sheegay inay fitno abuur tahay.

Taliska guud ee ciidamada Somaliland ayaa lagu soo waramayaa inuu mar hore amarro ugu soo rogay ciidamada in aysan dhageysan Idaacadda madaxa bannaan ee Radio Horyaal, balse amaradaasi ma noqon kuwo shaqeeya oo ciidamadu waxay bilaabeen in ay ogaadaan waxa keenay in loo diido dhagaysiga Idaacaddaas kadibna ay bilaabeen inay mar waliba dhagaystaan oo la socdaan waxa ka baxaya.

Xigasho: Widhwidh.com

Ma Runbaa! Adhibaa Inta Berbera Laga Rarao Boosaaso loo iib Geeyaa ?

(Waridaad)-Inkastoo aan dhowaan Somaliland tegey iima muuqan arrintan aan kor idinku weydiinayaa waxaanse gadaal ka ogaadey inaan dhooy laawe ahay dad badanina ila mid yihiin. Nin aanu saaxiib nahay oo habeenadan u dambeeyey dalkii ka soo noqday ayaa markii aanu is waraysanayney sheeko dheer ii bilaabay oo yidhi " Buurta Shiikh ayaa waxa naguu dhaafay dhowr baabuur oo adhi sida. Dadkii ayaan weydiiyey oo ku idhi, waar adhi Berbera lagu sii wado waan arki jrey laakiin mid laga sii wado ma arag'e miyaan yare dawakhay oo jihadii buurta ayaa ila jeesatey waa maxay baabuurtan adhiga inala dhaaftay?". Haweeney agtayda fadhidey ayaa iyadoo ii jawaabaysa tidhi, "buurtu ma jeesan, laakiin Berberi in dhoweydba adhi shaqo kuma lahayne adigu xageed ka xidhnayd. Baabuurtu adhiga waxay ku wadaan Boosaaso, soo noqodkana waxay keenayaan bariis Boosaaso ka soo degey oo ka jaban ka Berbera ka soo dega iyo shidaal loo iib geeyo tan iyo Boorame oo Berbera sii dhexmara oo Hargeysa sii jiidha oo laga yaabo baabuurta madaxtooyada in shidaal looga iibiyo oo ka jaban kan haamaha Berbera ku jira. Waar waxaasi waa caadiye miyaad na xiijinaysaa!" Intii aanan jawaab celin ayaan nafta la faqay oo is weydiiyey "ma runbaa adhigii Somaliland inta Berbera xawaare lagu dhaafiyo ayaa Boosaaso laga dhoofiyaa?"

Sheekadii halkii kuma go'in. Gabadh kale oo sow ay wada socdaan haweeneydii hadalaysey, agteedana fadhida, ayaa iyadii ku tidhi, " naa iska aamus yuu ku wareerine wax walba way ogyihiine. Waa kaa raggii dalka lahaa sidaa u hadlaya ee maanta wixii sanadaha soconayey inagu xiijinaya. Waar mise qaxootigan soo furmay ee koonfur ka yimi baad ka mid tahay?

Tii kale ayaa intay si degdeg ah hadalkii uu boobtay tidhi, " Kee! caruurta ku waayee Burco ayuu ka yimid oo waxaan is leeyahay waa tahriibayaa. Waaryaa, hadaad woxoogaa doolar ah jeebka ku sidato iminka waa la isu madoobeeyaaye is jir. Waxaan kaloo ku idhi, Berbera ayaad ka sheekeynaysaaye miyaanad ogeyn in xitaa dhegihii iyo maqalkiiba dhinaca Boosaaso loo jeediyey". Inta aan fahmi waayey ujeedada ayaan weydiiyey inay ii fasirto hadlkaa u dambeeyey. Waxay iyadoo murugeysan tidhi," Miyaanad ogeyn in la yidhi Idaacadha Boosaaso waa la dhegeysan karaa laakiin lama dhegeysan karo Radio Horyaal oo weliba lagu xidhxidhay tiro ciidamada Qalabka Sida ka mid ah oo jiida hore cadowga ku hor fadhiya, horena qaarkood shaqada lagaga eryey gunadii yarayd ee awelba aan wax tari jirina laga jaray. Waaryaa waa ninka, arrintu iminka fooror bay ku socotaaye hadalka dibedda ha iga wada keenin waxaanse ku weydiiyey, " Xageed naga salaantay?"

Intii aanan u jawaabin ayuu baabuurkii ku soo degey meel godan oo buundo ah balse go'an markaasay gabadhii igu tidhi, " godkaa jidka dhexdiisa ah ma aragtaa ! Waa lix jir. Waa wadaddii oo biyo gooyeen. Inta godkaasi le'egyahayna waad aragtaa. Dawlada Somaliland la leeyahy way ka jirtaana godkaa kaga quus qaado. Dekeddii dalka u mudnayd oo ah halbawlaha dhaqaalaha Somaliland waa la iibiyey. Boosaaso iyo Jabuuti ayaa midba jeex la raaciyey waxaana ka masuul ah afar nin oo madax lagu sheego laakiin anigu aan idhaahdo cadowga ummadda. Waar iminka markaynu magaalada dhex galo, orod oo bal eeg hoyga ay ku noolyihiin Mujaahidiintii Berbera ka dhiciyey daalinkii Siyaad Barre. Iyadoo farta ku fiiqaysa ayay tidhi, Taas ma aragtaa! Waa wershadii sibidhka. Bililiqo ayaa ka dhacday. Inta fadhataysatyna dawladaa u badan. Mar walbana waxay noo dhigaan dhagxan ay yidhaahdaan waa la dhisayaa waxaanse la yaabaa qaar baa weli run u haysta. Ninyohow aniga ha i daaline, markaynu iminka magaalada tagno ishaada ayaa kuu macalina.

Alla naxdin weynaa. Busaarad weynaa. Waa maxay dayac dadka jidka marayaa qaarkood ka muuqdaa. Meeshu miyaanay ahayn halkii cid kale iska daayoo xamaalkeedu xarago darteed oo tayga(tie) xiniinyaha joojin jirey.Anigaa isku keliyeystey oo isla faqaya oo cajalad hore rogaya. Saacado badan markaan magaalada ku wareegey waxa ii muuqatay inay xaaladda nololeed ee Berbera naxdin leedahay waxaanan is weydiiyey tolow gobolka intiisa kale waa sidee! Iyadoo aan weli sawiri kari la' ayaan ka soo dhoofay.

Hadaba, anigoo weli sidii naftayda gaar ula faqaya, fekerka Berberana aanu madaxayga ka bixin ayaan saxaafada Somaliland ka akhriyey Madaxweyne Rayaale oo socdaal ugu kicitimay magaalada Berbera. Waxaan is weydiiyey safarkan imnika kii ka horeeyey waxa laga joogaa dhowr bilood, wax uu Berbera ama gobolka Saaxil u kordhiyeyna ma jirin. Been tii hore ka weyn mooyaane wax kale oo iminka laga filayaana ma jirto. Ehelka Berbera iyo gobolka Saaxil waxan uu ugu soo noqnoqonayo waa maxay? Kolley kuma talo jiro inuu Berbera baabuurta adhiga ka qaadaysa ee Boosaaso u sii jeeda baajiyo ee malaha waxa uu la soo fogaanayaa xisaabtii ka dhexeysey isaga iyo Cali Xoor-Xoor oo wixii labadooda ka daata qolya kale lafa-lafeysan jireen. Sidaa waxaan u leeyahay anigoo u arka inuu Rayaale ayaamihii u dambeeyey ku jiro oo ay ka go'antahay inuu dalkaba xaraashka dhigo.

Cabdi X. Ciise

Abu Dhabi

Saturday, May 23, 2009

Presidential Spokesman Abuses Somaliland TV Reporter

(Waridaad)-A JOURNALIST working for Somaliland Space Channel [SLSC ] and Horyaal radio was physically abused, humiliated and forced to leave after she was attacked by Somaliland’s Presidential spokesman, Mr Saed Adani Mooge.

Muna Asayr Jama, who works as a reporter for both media groups was out to compile a report on Somaliland’s Independence Day on Monday [18th of May] when she was assaulted. While standing out side the presidential villa, where all the other journalists were — she came under attack. “Mr Saed walked towards me, then grabbed the collar of my shirt, pushed me back with all his force and yelled “get out”, it was unprovoked,” Muna told reporters.


Muna said she was forced to leave the event and that Mr Saed continued to verbally abuse her while she walked away from the compound.

“I felt embarrassed and humiliated because Mr Saed laid his hands on me, I felt violated as a girl when strangers lay their hands on me, he did not say a word to anyone else, I did not do any thing wrong, I informed him that I had the right to take photos and everyone else were doing it, but he did not listen, he continued to verbally abuse me,” Muna said.

Mr Mustafa Abdi Isse, the chairman of Somaliland Journalist Association (SOLJA) condemned Mr Saed’s action and requested president Rayale to launch an investigation.

Since Mr Saed came to power, after the death of Abdi Aydiris Daule - there have been more reporters arrested, abused, beaten up, taunted than ever before in Somaliland. Just last week three different cases were reported [two of them arrests without charges].

Mr Mustafa said Mr Saed was “man of bad policies’ and that he was instigating a head-on conflict between the government and Somaliland’s independent press and reporters — he can no longer be tolerated, he added.

Mr Saed’s record:

  1. 13th of March, Nur Ahmed Gagab also from Somaliland Space Channel was beaten up by Presidential guards — he was attacked, kicked and beaten with gun butts, and knocked to the ground and left unconsciously. He was treated in a hospital.

  2. On 28th of March, Mr Ahmed Saleyban Dhuhul from Horyal radio station - was beaten up and arrested out side the parliament.
  3. 15th of May, Mr Hadis Mohamed Hadis was arrested in Crown Hotel in Hargeisa. Mr Hadis hails from Mogadishu and has been living in Somaliland for several years, he remains in custody. No charges against him. No comments from the authority.

  4. 18th of May, Mustafa Mohamed Abdi, a journalist with HadhwanaagNews, also based in Somaliland’s capital Hargeisa was taken into custody without charges — released after 8 hours.

  5. 18th of May, Muna Asa’yr Jama was abused by Presidential spokes man.


Many more incidents go unreported as many reporters are too afraid.

Source: Somalilandpress